Madaxweynihii hore ee PL oo hambalyo u diray R.W. Cumar Cabdirashiid

Warqad Hambalyo ah ee ku socota Mudane Omar Abdirashid A. Sharmarke

1157

Mudane, Aad ayaan ugu faraxsanahay u magacabidaada Ra’isul Wasaaraha  Dawladda Federalka  ee Somalia, waana kuugu hambalyeynaya xilka,  xilligan  oo ay jirto duruufo adag ee  taarikhda Somalia mareyso. Waxaan grawsanahay hawsha baaxadda weyn ee ku sugeysa in aad ku  gudan kartid mudada yar ee xilliga ka hartay.  Waxaan Ilahay – Subxanahu wa Tacaalaa – kaaga baryayaa inaad ku guuleysato  nabad iyo deganaansho in waddanka lagu soo dabaalo,  in la dhameystiro dib-u-eegista Dasturka KMG ee Federalka, in la dedejiyo dhismaha qaybaha Dawladaha Federaka ka mid noqonaya oo weli dhiman, si  dib loogu soo mideeyo Gobollada iyo Mamulada Somalia –  iyadoo loo marayo qaabka dib-u-heshiisiineed ee nidamka Federalka ah. Ilahay ha kugu guuleeyo,

 Abdirahman Mohamed Farole

Puntlandes.com

About The Author