Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar C/rashiid oo la kulmay Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke ayaa maanta la kulmay wakiilka midowga Africa ee Soomaaliya Amb. Maman S. Sidikou iyo xubno ka tirsan saraakiisha sar sare ee AMISOM.

Wakiilka Midowga Africa ayaa ugu hambalyeeyay Ra’iisul Wasaare Sharma’arke xilka cusub ee loo dhiibay, wuxuuna tilmaamay ka midowga africa ahaan in ay la shaqayn doonaan Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda uu soo dhisi doono, isagoo u rajeeyey inuu ku guuleysto howlaha ballaaran ee horyaalla.

Danjire Maman S. Sidikou ayaa sheegay in uu filayo Ra’iisul Wasaare Sharma’arke inuu sii xoojin doono xariirka ka dhaxeeya midowga africa iyo Somalia.

Sidoo kale Ra’iisul Wasaaraha Somalia Cumar Cabdirashiid Cali Sharma’arke, ayaa uga mahadceliyay wakiilka midowga africa dhambaalka uu soo gaarsiiyey, wuxuuna tilmaamay in uu sii adkayn doono xiriirka iyo iskaashiga ka dhexeeya DFS iyo Midowga Africa, isla markaana wadajir uga shaqayn doonaan sidii markale Soomaaliya cagaheeda isugu taagi lahayd.

Sawiro

1159

1160

1161

1162

 

About The Author