Faahfaahin ku saabsan Dagaalkii Tukaraq, halka la kala joogo & Khasaaraha

15 May 2018 (Puntlandes) Dagaalkii saaka ka bilowday Tukaraq  ee u u dhexeeyey Puntland iyo Soomaaliland ayaa istaagan goor dambe oo Makhribadii ah, kadib markii Roobna bilawday Qoraxduna ku dhacday.

33a5

Dagaalkan auayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo aad u fara badan, kadib dagaal aad u qaraar oo socday muddo ka badan 12 saac.

Ciidanka Puntland ayaa caawa difaac adag ka xirtay deegaan la yiraahdo Higlo Cumar Wacays oo 15km u jirta Tukaraq dhinaca magaalada Laascaano una dhow deegaanka Gambare oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Somaliland.

Dagaal  qaraar oo muddo qaatay kadib waxaa u suurto gashay Ciidanka difaaca Puntland inay jiiraan Difaacii adkaa ee ay Ciidamada Somailand ka samaysteen Tukaraq, waxayna la wareegeen fariisimadii ay horay ugu sugnaayeen ciidanka Soomaaliland.

Khasaaraha oo ay maanta oo dhan ku hawlanayd bahda Warbaahinta Puntlandes ayaa waxay akhristayaasheeda usoo gudbinaysaa mid hordhac ah.

Dhimashada uu sababay dagaalkii maanta iyo Gaaadiidka la kala q absaday ama la gubay

Somaliland

Somaliland waxaa laga qabsaday 8 Gaadiidka dagaalka ah.

Dimashada Somaliland waa in ka badan 50 dhaawacuna tiradiisa in aan helno nooma suurto gelin laakiin waa uu badan yahay. Waxaa kale oo Somaliland khasaaraha gaaray ka mid 4 Sargaal oo looga dilay dagaalkii maanta waxaana ka mid ahaa Taliyihii Ciiidanka aagga Tukaraq, Taliye kuxigeenkiisii  iyo amaanduule qaybeen.

Puntland

Puntland ayaa waxaa laga qabsaday 3 Gadiidka dagaalka ah, 1 na waa laga gubay.

Dimashada Puntland 15 dhaawacuna 33

 

Dhanka kale xaalada ayaa ah caawa mid diyaargarow dagaal ah iyadoo ay labada dhinacba soo gaarayaan Gurmadyo kala duwan, waxaana mar kasta la filan karaa dagaal ka dhex qarxa labada dhinac.

Puntlandes.com

About The Author