Dhagayso: Madaxweyne Gaas “Somaliland dalka waa laga difaacayaa waana la iska celinayaa, gardaray ku socdaan, Xaqdaray ku socdaan, dhiig Islaameed bay rabaan inay Bishaan Barakaysan daadiyaan”

16 May 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa ka hadlay dagaalkii shalay ka dhacay degaanka Tukaraq ee gobalka sool oo dhexmaray Ciidanka Puntland iyo kuwa Somaliland.

23b

Madaxweynaha Puntland oo si kulul uga hadlay dagaalkaas ayaa sheegay in ciidamada Somaliland ay duulaan ku soo qaadaan Puntland casharna loo dhigay isla markaana la iska difaacay.

Madaxweyne Gaas ayaa ugu horayn shacabka reer Puntland ugu baaqay inay difaacdaan sharaftooda, dalkooda iyo Soomaalinimada, isagoo ku tilmaamay waajib diini ah.

Madaxweyne Gaas  ayaa yiri “Somaliland dalka waa laga difaacayaa waana la iska celinayaa, gardaray ku socdaan, Xaqdaray ku socdaan, dhiig Islaameed bay rabaan inay Bishaan Barakaysan ee Ramadhaan daadiyaan,, waxaana ugu baaqayaan dadka reer Puntland meel kasta oo ay joogaana inay dalkooda difaacaan, inay sharaftooda difaan, in midnimada Soomaaliyeed la ilaaliyo, wax ka yaala Muuse Biixi Tukaraq anigu garan mayo..”

Dr Gaas ayaa sheegay in Somaliland gardaro ay ku socoto, isla markaana ay diidan yihiin Somaalinimada, wuxuuna balan ku qaaday madaxweynuhu in iska dhicin doono oo ciidamadda Puntland aysan u dulqadan doonin garadarada qaawan ee ay wadaan.

Madaxweynaha ayaa Shacabka Puntland ugu baaqay in ay sharaftooda, dadnimadooda iyo dalkoodaba difaacdaan, isagoo sheegay in shacabka looga baahanyahay in ay iska difaacan cadowga ku soo duulay dhulkooda.

Madaxweyne Gaas ayaa yiri “waa la iska difaacayaa wuxuushta caadaystay daadinta dhiigga shacabka Soomaaliyeed.”

Dr Gaas ayaa ku eedeeyey Somaliland inay maalinba meel soo qabsanayeen, wuxuuna yiri  “waxay soo qabsadeen AriCaddeeye, waxay yimaadeen Laascaano, waxay yimaadeen Gambare, waxay yimaadeen Tukaraq, xaggee bay u socdaa ma Garowe?”

Dhanka kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Ciimadamada dawladda Puntland ay aad ugu dhow yihiin Tukaraq, dagaalkii shalay dhacayna  waxay Somaliland u gaysteen jab aad u xun.

 

Dhagayso waraysiga madaxweynaha dawladda Puntland


Puntlandes.com

About The Author