Daawo wixii ay Puntland ka yiraahdeen Khudbadoodii xalay Madaxweyne Muse Bixi & Gud. Saleebaan Gaal

19 May 2018 (Puntlandes) Xalay ayaa waxaa ka dhacday madaxtooyadda Somaliland mid ka mid ah labadii munaasabadood ee lagu xusayey 18ka May oo ay Somaliland 27 jirsatay ayaa waxaa ka maid ahaa madaxdii khudbadaha ka jeediyey madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Gudoomiyaha Golaha Guurtida  Saleebaan Gaal waxayna labaduba ka hadleen dagaalkii ay Somaliland ku qaaday Tukaraq oo ka tissan Gobolka Sool.

21

Madaxweyne Muuse Biixi ayaa jeediyey Khudbad ka duwanayn hadaladii uu awooda ku faani jiray ee lagu bartay wuxuuna amaan kala dul dhacay shacabka reer Puntland, laakiin wuxuu hoosta ka xariiqay inuusan Ciidamadiisa kala baxayn Gobolka Sool taasoo ah inuu difaacan doono dhulka uu haysto.

Sidii uu horay u caadaystay Muuse ayaa ku eedeeyey Dawladda Faderaalka inay weerar ku soo qaaday Somaliland waa sida uu  hadalka u dhigaye.

Daawo Khudbadii uu kaga hadlay Muuse Biixi Puntland

Dhanaka kale Gudoomiyaha Golaha Guurtida  Saleebaan Gaal ayaa ku eedeeyey madaxweynaha dawladda Puntland inuu hurinayo colaad.

Daawo Khudbadii uu kaga hadlay Saleebaan Gaal Puntland

Puntlandes.com

About The Author