Somaliland oo xabsiga dhigtay Suldaan Cune

20 May 2018 (Puntlandes) Ciidamada maamulka Somaliland ayaa xalay xabsiga u taxaabay Suldaan Maxamed Muuse Cune oo ka mid ah salaadiinta caanka ah ee Somaliland.

27

Suldaanka ayaa waxaa lagu xiray xabsiga magaalada Burco, iyadoo la xiray xili uu kasoo baxay masaajid uu ku tukanayay salaadii Maqrib, kaasoo ku yaal xaafada Kenya ee magaalada Burco.

Suldaan Maxamed Muuse Cune ayaa ka mid ah saladiinta inta badan dhaliisha xukumada talada Somaliland haysa waxaanu Suldaanku inta badan ka hadlaa hadba xaalada iyo marxalada taagan gaar ahaan kala qaybsanaantii ay keentay doorashadii la musuqmaasuqay iyo Colaada ay Xukuumadda Muuse Biixi gadaal ka hurinayso ee Ceel-Afweyn.

Sababta xariga suldaanka ayaa si rasmi ah Somaliland u shaacin, hase ahaatee wuxuu xarigiisa kusoo beegmayaa afar cisho kadib hadal dhaliil ah oo uu u jeediyay xukuumadda Somaliland iyo wasiirkeeda arrimaha gudaha uu ku dhaliilay inay ka gaabiyeen wax ka qabashada coladada ka taagan deegaanka Ceel-Afweyn ee gobolka Sanaag.

Maamulka Somaliland ayaa xabsiga dhigta waxgaradka goboladeeda ee siyaasadaheeda dhaliila iyo ciddii soo hadal qaata Soomaaliweyn, iyadoo dhawaan ay xabsiga dhigeen Boqor Buur Madow oo magaalada Carmo ee gobolka Bari Puntland xaflad u yimid iyo abwaanada dhalinta yar ee Naciimo Qorane oo ku caanbaxday inaysan la gamban Soomaalinimada.

Puntlandes.com

About The Author