DEG DEG Warsaxaadeed Dawladda Puntland Duulaanka Saaka ay kusoo qaaday Somaliland

20b8

Madaxtooyada Dawladda Puntland
War-saxaafadeed

TIX/00102/2018
May 24, 2018

 

Dawladda Puntland waxay usheegaysaa Ummada Soomaaliyeed iyo Beesha Caalanka in saaka Arooryo Abaara 5.30 subaxnimo ay marka kale Soomaaliland soo weerartay Ciidamada Puntland  ee ku sugan deegaanka Tukaraq.

Dawladda Puntland waxay  caddeynaysaa in mas’uuliyada dagaalkaas uu qaadayo Maamulka Hargeysa  oo ah duulaaan joogto ah, isla markaana Puntland ay  difaacayso dalkeeda iyo dhulkeeda.

Dawladda Puntland waxay  usheegaysaa shacabkeeda dhammaan gudo iyo dibad-ba in ay garab istaagaan ciidamadooda, isla markaana ilaashadaan sharaftooda  iyo dawladnimadooda duulaanka lagu yahay.

Dawladda Puntland waxay  u sheeegaysaa shacab-weynaha gobolka Sool inay u diyaar garoobaan difaaca dalkooda iyo karaamadooda ee duulaanka lagu yahay.

Ugu dambeyntii Dawladda Puntland waxay u sheegaysaa shacabka Puntland inay ilaashadaan sharaftooda iyo dawladnimadooda.

About The Author