Daawo Video: Puntland oo ku celisay in aanay cidna wada hadal kala galayn xaaladda Gobolka Sool ayna xorayn doono

28 May 2018 (Puntlandes) Gudiga difaaca Dowladda Puntland ayaa kulan ay yesheen kasoo saaray hadal ku adan xaaladda  degaanada Gobolka Sool ee uu dagaalku ka socdo.

35a8

Wasiirka Amniga Puntland Axmed Cabdulahi Yusuf Dowlad ayaa isna bogaadiyey doorkii Ciidanka Puntland ka qatay dagaalkii ay Somaliland la galeen ciidamadu ee ka dhacay Tukaraq oo uu sheegay in ay guulo la taban karo kazoo hoyiyeen.

Wasiiru-dowladda Madaxtooyadda ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullahi jaamac Quran’jecel ayaa ku celiyey hadalkii shalay kasoo baxay dawladda Puntland ee ahaain aanay jirin cid ay wada xajood kala galayaan xoreynta deegaanada Gobolka Sool.

Qur’aan Jecel waxaa uu xusay in ay aanay jrin wada hadal ay dowladda Faderalka Soomaaliya kala galayso dhulka Puntland,iyadoo buu yiri ay tahay hawo been ah oo uu iska dhaadhiciyey Muse Biixi in ay dowladda Faderalku kala xajonayso Somaliland dhulka Puntland.

Gudigu waxay bulshada Puntland gaar ahaan kuwa ku sugan degaanadda Gobolka Sool ku booriyeen in ay garab istagaan Ciidanka Difaaca Puntland ,si looga guul gaaro xoreynta dhulka ay haysato Somaliland.

Daawo muqaalka

Puntlandes.com

About The Author