Daawo Culumada Gobolka Mudug oo Bogaadin & Duco usoo diray M/weynaha Puntland kadib go’aankiisii

29 May 2018 (Puntlandes) Culumada & Waxgaradka magaalada Gaalkacyo ayaa Duco, amaan iyo bogaadin u soo diray Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ka dib markii uu soo saaray Dikreeto uu ugu wareejiyey xaruntii hore dawladda Hoose Masaajidka Al Huda oo baahi wayn u qabay dhul.

19

Culumada ayaa ku amaantay Madaxweynaha go’aankaas xili masaajidku aad ugu baahnaa in laga saaro cariiriga oo mudada dheer uu ku soo jiray.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa dawladda Hoose ka rartay goob xarun aad ugu dhawayd Masaajidka, iyadoo xarunta degmada loo raray xarun cusub oo kale.

Daawo muuqaal

About The Author