Duqa Muqdisho oo la kulmay Duqa Garowe

01 June 2018 (Puntlandes) Duqa Muqdisho ahna Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan (Eng.Yarisow) ayaa kulan la qaatay Duqa Caasimadda Puntland ee Garowe Mudane Axmed Deeq Maxamed waxayna ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa wada shaqeynta labada dhinac iyo isku xirka magaallooyinka.
37
Mudane Yarisow ayaa ku soo dhaweeyey Caasimadda dalka, waxuuna hoosta ka xariiqay in Muqdisho ay tahay xaruntii Midnimada iyo Wadajirka Ummadda Soomaaliyeed, sidaas darteedna ay muhiim tahay in la adkeeyo cilaaqaadka kala dhaxeeyo Maamullada iyo degmooyinka dalka.
Sidoo kale, waxuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ku ammaanay Duqa Garowe sida ay uga go’an tahay isku xirka iyo wada shaqeynta.
Duqa Caasimadda Puntland Mudane Axmed Deeq Maxamed wuxuu uga mahadceliyey Duqa Muqdisho soo dhaweynta loo sameeyey iyo adeegyada
Muhiimka ah ee loo hayo shacabka Caasimadda dalka ee Muqdisho.
Puntlandes.com

About The Author