Daawo Puntland oo mar kale shaacisay Xiriirka ka dhexeeya Somaliland & Alshabab, Cadayn

09 June 2018 (Puntlandes) Gudiga difaaca dowladda Puntland oo maanta saxaafadda kula hadlay caasimadda Puntland ee Garowe ayaa waxa uu war ka soo saaray hadalo dhowaan ka soo yeeray masuuliyiin ka tirsan Soomaaliland oo sheegay in Alshabaabkii aysan ka dagaalamin Buualayda Galgala ee Puntland.

36d

Masuuliyiin Somaliland ah ayaa ku sheegeen inay Dablaydii ka tirsanaa Alshabaab ee ay dhawaan ciidanka difaaca Puntland dileen ay ahaayeen dad aan waxba galabsan.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowladda Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Tima-cadde) ayaa waxa uu sheegay in maamulka Soomaaliland uu caddaystay xiriirka uu la leeyahay Alshabaab kadib markii uu sheegay in raggii weeraray Saldhigga Balli-khadar iyo kuwii ciidanka Puntland laayeen ay ahaayeen dhalinyaro aan waxba galabsan.

Timacadde ayaa sheegay in wiilka uu dhalay Faysal Cali Waraabe oo ka  tirsanaa Alshabaabkii loo soo diray Puntland oo ka cararay uu ugu dambayntii isku qarxiyey wadanka Suuriya, iyadoona dowladda Puntland ay ugu baaqday caalamka inay baaritaan ka furaan xiriirka Alshabaab iyo Somaliland.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author