Wasiirka Batroolka & macdanta DFS oo faahfaahisay heshiiskii Khayraad ee Baydhabo

09 June 2018 (Puntlandes) Shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta wasaaradda wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya Mudane C/rashiid Maxamed Axmed ayuu kaga hadlay heshiis ku saabsan ka faa,iideysiga Kheyraadka dalka oo madaxda dowladda dhexe iyo dowlaha qaybta ah federaalku ay ku saxiixeen Magaalada Baydhabo.

1

Mudane C/rashiid Maxamed Axmed ayaa saxaafadda u sheegay in heshiiskaasi uu yahay mid taariikhi ah oo mudaba ay wasaaraddu ka war sugeysay in la gaaro si bulshada Soomaaliyeed looga faa’ideeyo kheyraaadka dalka oo macdanta iyo shidaalku ka mid yihiin waxaana uu xusay mr C/rashiid in wasaaradda oo kaashaneysa wasaaradaha batroolka ee dowlad goboleedyada ay bilaabeyso iminka sidii shacabka Soomaaliyeed loogaga faa’ideyn lahaa kheyraadkaas.

Wasiirka Batroolka iyo macdanta xukuumadda federaalka Soomaaliya C/rashiid Maxamed Axmed ayaa sheegay in la dhisayo sida ugu dhaqsiyaha badan Hay’adda batroolka Qaranka Soomaaliyeed oo ah mid loo dhan yahay, islamarkaana muhiim u ah Umadda Soomaaliyeed.
Daawo shirkii jaraa’id ee wasiirka

Puntlandes.com

About The Author