DAAWO Beesha Jaamac Siyaad oo Go’aano kasoo saartay dagaalka Tukaraq & Fariin adag oo ay direen

09 June 2018 (Puntlandes) Kulan ay magaalada Laascaanood ku Qabteen Qaar kamid ah Waxgaradka iyo Dhalinyarada Beesha Jaamac Siyaad ee beelwaynta Dhulbahante ayaa waxay sheegeen inay beeshu la go’aan tahay Harti ayna ka qayb qaadanayaan xoraynta dhulka uu maamulka Jeegaantu haysto.

36e4

Waxgaradka ayaa caddeeyey in Beeshu ka mid tahay Puntland ayna taageersan tahay, kaalinteedana ka qaadan doonto dadaalka ay wado da wladda Puntland ee ay ku xoraynayso dhulka la haysto.

Waxgaradka ayaa waxay Fariin adag u direen Faysal Cali Waraabe iyo maamulka Jeegaanta iyo kuwa Beesha kasoo jeeda ee u shaqeeya.

Ugu dambayntii waxay baaq u direen Dhalinyarada kasoo jeeda Beesha ee ku Jira Malayshiyadda Jeegaanta, waxayna caddeeyeen inaan la iswaydiin doonin hadii ay dagaalka ku dhintaan iyagoo difaacaya Jeegaanta, iyagoo ugu baaqay inay intay goori goor tahay isaga soo baxaan.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author