Dawladda Puntland oo gargaar gaarsiisay magaalada Beledweyne

09 June 2018 (Puntlandes) Dowladda iyo shacabka Puntland ayaa gargaar raashin ah maanta gaarsiiyay dadweynaha walaalahood ah ee magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaas oo ay ka jirto xaalad banii’aadnimo oo ka dhalatay fatahaaddi webiga Shabeelle ka sameeyay gobolka Hiiraan.

Kolonyo gaadiid ah oo siday gargaarka ay dirtay dowladda Puntland ayaa maanta gaaray magaalada Beledweyne,waxaana deeqda loo qeybiyay 1550 qoys  oo ay hanti iyo hoy’ la’aan dhigtay fatahaadda webiga shabeelle,sida ay sheegeen mas’uuliyiinta gobolka Hiiraan.

Maamulka gobolka Hiiraan iyo kan degmada Beledweyne ayaa shacabka iyo xukuumadda Puntland uga mahadceliyay gargaarka walaalnimo ee ay gaarsiiyeen dadka ku hanti belay fatahaadda ee haatan la tabaalaysan dhibaatadii halkaas ka soo gaartay.

daawo sawirrada
36e3

36e3a

36e3a1
Puntlandes.com

About The Author