DAAWO Puntland oo ku dhawaaqday inay Ardaydeeda kala soo baxayso Somaliland

09 June 2018 (Puntlandes) Dawladda Puntland ayaa ugu baaqday ardayda wax ka barta Jaamacadaha ku yaalla Somaliland gaara ahaan Borame iyo Hargeisa in ay si deg deg ah uga soo baxaan.

36e6

Shir Jaraa’id oo ay qabtay Wasiirul dawlaha Madaxtooyada ahna Afhayeenka madaxtooyada Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan Jecel  ayuu ugu baaqay ardayda ka timid Puntland inay isaga soo baxaan Somaliland si deg deg ah. .

Tirada guud ee arday Wax ka barta Jamaacada Somaliland ayaa ah 900 arday, magaalada Borame waxaa wax ka bartaan 514 arday, halka ay Hargiysa wax ka bartaan 310  arday.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii Faysal Cali Waraabe u hanjabay ardayda ka soo jeeda Puntland ee wax ka barta Jaamacadda Camuud ee Borame.

Dhanaka kale dawladda Puntland ayaa uga digtay shacabka reer Puntland ee qaurbaha ka yimaada oo Hargaysa ku soo mari jiray Transitka, inaysan soo marin Hargaysa kadib markii ay dawladdu u aragtay in naftoodu ay qatar ku jirto.

Daawo muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author