DAAWO JAALIYADA BEESHA JAAMAC SIYAAD EE UK OO KA HADASHAY DAGAALKA TUKARAQ, BAAQNA DIRAY

09 June 2018 (Puntlandes) Waxgarad ka tirsan Jaaaliyadda Beesha Jaamac Siyaad ee dalka UK ayaa maanata shir jaraa’id ku qabtay magaalada London, iyagoo si adag uga hadlay weerarka gardarada ah ee uu muumulka Somaliland ku soo qaaday dhulka Puntland.

36d3

Waxgaradku waxay cod dheer ku sheegeen inaysan Beesha Jaamac Siyaad ama beelaha Dhulbahante ay ugu biireen ama ay uga mid yihiin maamulka Somaliland ayna ku doodayaan in Ingiriis uga tagay halka beesha Dhulbahante ay la dagaalamaysay Ingiriis.

Dhanka kale waxgaradka ayaa ugu baaqay dhalinyarada la khalday ee ka dhinac dagaalamaysa Ciidanka Muuse Biixi ee xaqdarada ku dagaalamaya kuna soo duulay deegaan aysan lahayn, waxayna ugu baaqeen dhalinyada inay isaga baxaan.

Waxgaradka ayaa eedeeyey kuwa horgala ah ee u shaqaynaya maamulka Jeegaanta, iyagoo ugu baaqay inay ka waantoobaan falalka guracan ee ay hayaan dadkoodana dhiinac ka raacaan.

Ugu dambayntii waxay taageereen Ciidanka difaaca Puntland oo wada hawlgalka ay ku xoraynayaan gobolka Sool.

Daawo shir jaraa’id Jaaaliyadda Beesha Jaamac Siyaad ee dalka UK


Puntlandes.com

About The Author