DAAWO Video: Somaliland oo sheegay in aysan horay u dhicin dagaal lixaadkan leh oo sidaan u abaabulan oo dhexmaray Puntland & Somaliland, kuwii hore ay ahaayeen isku dhacyo yar yar.

12 June 2018 (Puntlandes) Wasiirka arimaha dibedda ee Somaliland Sacad Cali Shire oo saxaahadda la hadlay ayaa maanta sheegay inay u socdaan Puntland iyo iyaga wadahadalo ay Beesha caalamka garwadeen ka tahay oo lagu xalinayo xiisada Tukaraq.

37b9

Sacad ayaa sheegay in Beesha caalamku ay soo jeedisay 4 qodob oo kala ha:

  1. Xabadda in la joojiyo
  2. Xirrir la wada yeesha khaasatan madaxda ciidamafda labada dhinac
  3. Maxaabiista laga wada haddlo
  4. In wadahadalkii dib loo bilaabo

Wasiirka ayaa caddeeyey in maamulkoodu ay aqbaleen isagoo yiri “anagu runtii waanu ku wada qanacsan nahay, waxayna nala tahay inuu yahay jidka loo marayo si nabad loogu soo afjari lahaa arinka maanta taagan”

Sacad oo ka hadlayey Gobolka Soool ee ay Ciimadiisu xoogga ku haystaan ayaa sheegay in uusan Gobolka Sool u baahnayn dagaal, wuxuuna sii raacshay in wadan walba uu xaq u leeyahay inuu xadkiisa gaaro.

Sacad ayaa ku eedeeyey in wax uu  ugu yeeray dal kale uu duulaan ku soo qaaday Somaliland, isagoo sheegay in aysan horay u dhicin dagaal lixaadkan leh oo sidaan u abaabulan oo dhexmaray Puntland iyo Somaliland laakiin kuwii hore ay ahaayeen isku dhacyo yar yar.

Wasiirka ayaa  intaas kusii daray in dagaaalkani uu marinayo wax uu ugu yeeray jid aan wanaagsanayn.

Dhanka kalae wuxuuna sheegay inuu ka wayn yahay Puntland habka uu dagaalkan u abaabulan yahay, isagoo sheegay in loo dhan yahay.

DAAWO Somaliland oo sheegtay inay wadahalo u socdaan Puntland

Puntlandes.com

About The Author