R/wasaare Kheyre oo Caawa Kormeeray Qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed (Video-Sawirro)

13 June 2018 (Puntlandes) Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre oo ay wehliyeen Wasiirka Amniga Mudane Maxamed Abuukar Islow, Taliyaha Ciidanka Booliska S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko iyo Taliyaha Ciidanka Asluubta S/guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Xilli dambe oo caawa ah waxay kormeer ku tageen qaar kamid ah Xarumaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed.

Ra’iisul wasaare Kheyre oo u kuur galayey sida ay u shaqeeyaan Xilliga Habeenkii ah Ciidanka Booliska, ayaa kormeeray Xarunta Dembi baarista ee C.I.D, Dugiga tababarka ee Gen. Kaahiye, Taliska Ciidanka ilaalada Nabad gelyada Wadooyinka, Xarunta Gaadiidka Ciidanka Booliska iyo meelo kale.

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed S/guuto Bashiir Cabdi Maxamed Ameeriko,ayaa  R/wasaare Kheyre iyo Wasiirka Amniga Qaranka,  waxuu warbixin ka siiyey Xaaladda Amni ee magaaladda Muqdisho, isaggoo u sharaxay sida ay u shaqeeyaan Habeenkii Xarumaha Caawa R/wasaaraha uu kormeeray.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Kheyre, ayaa sheegay in Ciidanka Booliska uu ku ammaanayo sida wacan ee shaqada amniga ay u hayaan, waxaana uu kula dardaarmay inay laba jabaaraan howlaha qaran.

37c7

37c7a

37c7a1

37c7a2

37c7a3

37c7a4
Puntlandes.com

About The Author