Akhriso Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS & PIA

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo Xilka Qaadis Ku Sameeyay Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

gaas-631x420

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 13 June 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegto uu xilkii kaga qaaday Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Xeer Madaxweyne Lr. 71 June 13 2018, kuna saabsan Xilka Qaadid Agaasimayaasha Hay’adaha PSS iyo PIA.

Madaxweynaha Dawladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland.

Markuu arkay: Muhiimadda ay leeyihiin Hay’adaha amniga.

Markuu tixgaliyey: Talo soojeedinta Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta

Wuxuu Xeeriyey:

1.Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PIA ka qaaday Cabdirsaaq Ciise Xuseen (Khaatumo).

  1. Wuxuu Xilkii Agaasimaha Guud ee Hay’ada PSS ka qaaday Cabdulaahi Aadan Maxamed (Cabdulaahi Ulle).
  1. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

 

=DHAMMAAD=

Puntlandes.com 

About The Author