Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo looga hadlay G Sool & qodobo kale

Shirkii Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland oo uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa Looga hadlay arrimaha  Amniga Puntland, Dhibaatada Tahriibta iyo Xeerka Biyaha Puntland.

1,Abdalla Guure

Amniga Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland oo Warbixin Ka dhageystay  Wasaaradda Amniga ayaa Sheegay  in Amniga guud heerkiisu  sarreeyo, waxayna Golaha Xukuumada Dawladda Puntand oo dood dheer ka yeeshay arrimaha Amniga ay xuseen in si dhow loola socdo tacadiga iyo caburinta joogtada ah ee loo gaysanayo birimagaydada iyo Waxgaradka Gobalka Sool gaar ahaan Magaalada Laascaanood.

Sidoo kale golahu waxay cadeeyeen in lala socdo qaswadayaasha ka dhanka ah Amniga Puntland  gaar ahaan magaalooyinka waaweyn, waxayna golahu fareen shacabka Puntland in ay lashaqeeyaan laamaha Amniga gaar ahaan xilliyada ciida lagu guda jiro.

Dhibaatada Tahriibta:

Golaha Xukuumada Dawladda Puntland ayaa  Ka dooday aafada joogtada ah ee qul-qulka Tahriibta, iyaga oo ku dheeraaday dhibaatada tahriibta ayaa Sheegay in Leyska kaashado Shacab iyo Dawladba Sidii loo joojin lahaa waxyeelada tahriibta, loona badbaadinlahaa dadka ku dhimanaya baddaha,

Madaxweynaha Dawladda Puntland ayaa u saaray guddi heer Wasiiro ah, kana kooban Wasaaraddaha Amniga, Arrimaha Gudaha, Qorshaynta iyo Caafimaadka si ay uga soo talo bixyaan qul-qulka tahriibta.

Xeerka Biyaha Puntland:

Golaha xukuumadda Dawladda Puntland ayaa ka dooday xeerka biyaha Puntland, xeerkaas oo qeexaya ilaalinta iyo dhaqaaleynta keydka khayraadka biyaha, wuxuuna  si gaar ah u xoojinayaa maareynta iyo horumarinta adeega biyaha Puntland.

Ugu- danbayn Golaha Xukuumada Dawladda Puntland  oo dood dheer ka yeeshay xeerkan  ayaa faray in dib-usixid lagu soo sameeyo xeerka Biyaha Puntland.

Dhamaad

About The Author