Daawo muuqaalo Faahfaahin xaalka maanta ee Laascaanood (Warbixin)

14 June 2018 (Puntlandes) Saaka ayaa bartamaha suuqa magaalada Laascaanood waxaa ka bilowday rabshado, waxaana ku dhaawacmay laba dumar ah.

37d4

Mudaharaadka rabshada wata ayaa  bilawday kadib markii ay is af dhaafeen Askar maamulka Jeegaanta ah iyo wiil dhalinyaro ah oo watey baabuur nooca raaxada ah.

Waxaa suuqa u yimid adeeg laba baabuur ayaa oo adeeg u raadinayey ciidamada Jeedanka kadib wiil baabuur wata ayaa soo ag istaagey, kadib waxay ku dhaheen naga dhaqaaq wiilkiina wuu diidey iyagoo damacay inay gacan saaraan.

Shacabkii suuqa ku ganacsanayey ayaa Dhagax iyo gacan qaad ku bilaabay, kadibna rasaas ayay fureen laba dumar ah ayaana ku dhaawacmay.
Shacabka magaalada ayaa markii danbe qaarkood lasoo baxeen qoryo, iyagoo ka furtay Cidanka Jeegaanta qori AK47 iyo agab ay ka mid yihiin kabo.

Labadii dumar ahaa ee dhaawaca ahaa ayaa la geeyey Cisbitaalka waxaana la sheegay in wax looga qaban kari waayey magaalada loona baahday in la qaado hase ahaatee muran xoogan ayaa ka taagan meesha loo qaadayo.

Dadka shacabka ah ayaa isku gadaamey xarunta caafimaad ee lagu dabiibayo labada qof kuwaasoo sheegay in dhaawaca loo qaadayo magaalada Garoowe, halka maamulka Jeegaantu uu ku adkaysanayo in loo qaado Hargeysa.

Dhinaca kale , magaalada Laascaanood ayaa hadda waxaa ka bilaamay kacdoon xoogan oo ka dhan ah maamulka Jeegaanta.
Daawo muuqaalo


Puntlandes.com

About The Author