Sawirro: Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo soo gaaray Muqdisho, loona galbiyay Madaxtooyada

16 June 2018 (Puntlandes) Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa goor dhow soo gaaray magaalada Muqdisho, taasoo ah booqashadii u horeysay uu ku yimaado Soomaaliya, tan iyo markii xilka loo magacaabay bishii April ee sanadkan.

38a8

Safarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa ah booqasho rasmi oo hal maalin ah, waxaa garoonka diyaaradaha Muqdisho ku soo dhoweeyay Madaxweyne Farmaajo, Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada, Duqa Muqdisho, Diblomaasiyiin, Kooxda Hidaha iyo Dhaqanka.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidanka Itoobiya, waxaana loo garaacay astaanta Calanka Itoobiya, iyadoo labada Calan ee dowladaha Soomaaliya iyo Itoobiya la suray Garoonka Diyaaradaha Muqdisho iyo waddooyinka faras magaalaha.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa loo galbiyay Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya, halkaasoo wada hadalo labo geesood ah uu ka dhici doono, iyadoo lagu wado in heshiisyo ay kala saxiixdaan labada dowladood.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya ayaa tan iyo markii uu xafiiska la wareegay waxaa uu wax ka bedel ku sameeyay hanaanka siyaasadeed ee dalkiisa iyo gobolka, isagoo booqasho ku tagay dalalka deriska iyo dalalka dibadda ee Itoobiya ay danaha wadaagaan.

Ammaanka magaalada Muqdisho ayaa si aad ah loo adkeeyay, iyadoo la xiray waddooyinka qaar, waxaana dhinac walba taagan ciidamo ka tirsan dowladda iyo kuwa AMISOM oo ka qeyb qaadanaya sugida ammaanka.

Daawo sawirrada
7a

8

9

10

11
1

2

3

4

5

6

7
Puntlandes.com

About The Author