Akhriso Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo war adag kasoo saaray hawlagalka xoraynta dhulka uu maamulka Jeegantu haysto

Garaadka Somaaliyeed Ahna Garaadka Guud ee Degaamada Sool, Sanaag, Cayn (SSC) Garaad Saleymaan Garaad Mohammed. Oo Shacbiga Somaaliyeed iyo dhamaan Shacabka Puntland Hambalyo u diray munaasibada Ciidal fidrig awgeed, waxaanu Garaad Saleymaan yidhi

36b5

“Milgo iyo Maamuus weyn ayey ii tahay in aan munaasibadda Ciidal fidriga awgeed halkan uga jeediyo hambalyo iyo bogaadin dhammaan Shacbi-weynaha Somaliyeed iyo dhamaan Shacabka Puntland meel kasta oo ay joogaan.

Si gaar ah, waxaan tahniyad ugu dirayaa Ciidammada kala duwan ee Maamul goboleedka Puntland, Goleyaasha Qaranka, Culimo-aw-Diinka, Madax-dhaqameedka, Madaxda Xisbiyada Qaranka Puntland , Bahda saxaafada, Bahda Garsoorka, Ururada Bulshada, Dhalinyarada iyo Haweenka laf-dhabarka u ah Xoreynta iyo Difaacida degaamada SSC, ee Puntland.

Waxaan leeyahay Mudanayaal iyo Marwooyin, ku ciida ciid wanaagsan, nabad iyo caano ku ciida.
(Taqabalalaah minu wa minka ), ciiddan ciiddeeda kale ILAAHAY ha inagu gaadhsiiyo bed-qab, bash-bash iyo barwaaqo.

Maalintani waa maalin qiimo weyn ku leh ummadaha islaamka meel kasta oo ay joogaan. Sidaa darteed, waxa habboon inaynu ummad ahaan la wadaagno farxadda iyo rayn-raynta ciidda barakaysan ee Eebbe inoo jideeyey.

Haddaba, si aynu u helno deeq iyo danbi-dhaaf Alle, waxa inagu waajib ah in aynu ilaalinno midnimada iyo wada jirkeena. Waxa inagu waajib ah, inaynu dhammaanteen isu-uursamaanno, isna saamaxno.

Waxa inala gudboon inaynu Allaheena wayn u noqonno, iskana cafino wixii xan iyo xumaan ina dhex-martay.
Waxaan bogaadinayaa Bulsho-weynta Somaaliyeed ee jecel horumarka, nabadda, diinta, ilaalinta dhaqankeena suuban, iskaashiga iyo wax-wada qabsiga.

Nasiib darro, waxa jira in kooban oo bulshada ka mid ah in ay caadaysteen in ay maalmaha ciidda barakaysan ku kacaan ficillo iyo falal ka dhan ah diinteenna wanaagsan, anshaxa iyo akhlaaqda suuban.

Sidaa darteed, waxaan ugu baaqayaa Waalidiinta, Wax-garadka, Culimo-aw-Diinka Dalka, iyo Madaxda Hay’adaha Dawladda ee arrimahan u xilsaaran in ay si mug iyo micno leh u toosiyaan, ugana hortagaan dhaqammadaa dhexdeenna ku faafaya.

u dirayaa mar labaad iyo mar sadexaadba beelaha ka soo duulay galbeed guntiis oo ah SNM, ee khalaakhalka iyo Xasilooni darada kawada G.Sool ee Maamulka Puntland, waxaanu u sheegaynaa inaanu qaadaneyn gardara ay wadaan.

Waxaan hambalyo iyo bogaadin ballaadhan u dirayaa ciidammada qaranka ee ku hawlan Difaacida degaankooda iyo dadkooda ee kusugan jeeda hore.

Mar labaad, waxaan ku guubaabinayaa inay dedaalka halkaa ka sii wadaan, kana daalin hawsha ay ugu jiraan Xoreynta Las-canood
Waxaan farayaa in ay gacan adag oo aan naxariis lahayn ku qabtaan cid kasta oo khal-khal galinaysa amniga iyo xasilloonida deegannadaa SSC.

Waxaan Bulshada Puntland u caddaynayaa in aanay jirin cid laga baryayo deganaanshaha iyo nabadda dalkan. Waxaan si weyn ugu digayaa cid kasta oo ku hawlan falal ka dhan ah nabadgelyada.

Ugu danbayn, waxaan idinkula dardaarmayaa dhammaantiin:
in aynu dhinac uga soo wada jeesanno ilaalinta nabadgelyada iyo difaaca qarannimadeenna Puntland .

· In aynu ilaalinno wada-jirka iyo isku-duubnida dhexdeenna.
· In aynu is-gargaarno, isla markaana caawinno kuweena taagta daran ama tabaalaysan.
· In aynu isu caqli-celinno, wanaagga is-farno, xumahana iska reebno.
· in aynu ka wada qayb-qaadanno horumarka iyo dib-u-dhiska degaanadeena Puntland.

Waxaan ILAAHAY ka baryayaa inuu inaga aqbalo acmaashii suubanayd ee aynu samaynay maalmahan khayrka badan”.

Waxanan u ducaynayaa inta bukhta ee xaalad caafimaad u jiifta, awoodina wayday inay inala ciidaan maalintan qiimaha badan, waxanan Alle uga baryayaa inuu caafimaad sareecana siiyo kana dulqaado xanuunka, Aamiin Aamiin, Intii dhimatayna waxan Alle uga baryayaa inuu u dambi dhaafo una naxariisto.

Puntlandes.com

About The Author