Daawo Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlay Heshiiska Itoobiya & Soomaaliya ee Dekedaha XASAASI

19 June 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faah faahin ka bixiyay heshiiskii dhex maray isaga iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr. Abiy Ahmed, isagoo ka dhawaajiyay in Soomaaliya diyaar u tahay in la maalgasho.
IMG_20180604_134419

Madaxweyne Farmaajo oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa waxaa uu sheegay in markii hore laga hadli jiray iskaashiga amniga, balse haatan fursad loo helay in la wada hadlo arrimaha dhaqaalaha sida uu yiri.

Madaxweyne Farmaajo ayaa yiri “Aad iyo aad ayaa ugu ku faraxsanahay in aan soo gaarno heer Itoobiya aan ka wada hadalno maxaan is tari karnaa, sidee u kala faa’ideysan karnaa, Itoobiya maxay heysaa anaga u baahanahay, anaga maxaa u baahanahay Itoobiya u baahan tahay, waxaan joognaa meel aan iyaga waxtari karno, iyagana wax na tari karnaa, bacdamaa aysan dekado laheyn, maxaa dhaqaalahooda ku kordhin karnaa waa dekado, dekadahaas anaga dhaqaale uma heysano, cid alla cidii maalgashaneysa afar kaliya ma ahan, waxaa jeclaan lahaa inay ka bataan, xeebaheena noqdaan meel markab kasta aag uu istaagi karo oo uu ka qaadan karo shidaal”

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in aanay jirin cid la siiyay Dekedaha, isla markaana Dekadaha ku yaallaan Soomaaliya, waxa uuna yiri “Dekad cid la siiyay malaha, dekadaha Soomaaliya ayay ku yaalaan, dhaqaalahaas Soomaaliya iyo Itoobiya ma lahan waxay ka imaan karaan Afrika, Asia, Yurub iyo ganacsatada Soomaaliyeed, arrintan waxay mareysaa sharci, waxaana la horgeynayaa Baarlamaanka, aragtida dowladda waxay tahay sidii Soomaaliya looga saari lahaa faqriga”

Daawo Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya arimaha dekedaha & heshiiska Itoobiya

Puntlandes.com

About The Author