DAAWO MADAXWEYNE FARMAAJO OO KA HADLAY DAGAALKA PUNTLAND & SOMALILAND EE GOBOLKA SOOL (XASAASI)

19 June 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha JFS Maxamed Cabdullaahi Farmaajo  oo wareysi siiyay Telefishinka Qaranka ee SNTV ayaa waxaa la waydiiyey su’aal ahayd dawladiisu door intee le’eg ayey ka qaadatay joojinta dagaalka Tukaraq ee u dhexeeya Puntland iyo Somaliland, si loo baajiyo dhiig kale  inuu sii daato.

38a8

Sawirka kore waa gabad reer Laascaano ah oo ay maleeshiyada Jeegaantu Dhashiile ku dhaawacday

Farmaajo ayaa ku bilaabay inay nasiib daro tahay inuu 28 sano kadib uu dalka kasii daato dhiig bilaa macne ah, kaasoo aan wanaagsanayn. Wuxuuna sheegay isagoo ka hadlaya daminta colaadaas inuu dhexgalay wuxuuna yiri “..arintooda waa dhexgalay, waana la hadlaa, si joogto ah ayaan ula hadlaa, waana isku dayey runtii inaan wada hadalsiiyo, mar mar waan ku guulaystay, in xabad joojin la sameeyo, in wax walba lagu xaliyo wada hadal iyo is-fahan, ee labaduba waa soo dhaweeyeen, laakiin nasiib daro, ee, xabad joojintii iyo wada hadalkii masii shaqayn, oo hada waxaan ognahay in dad Soomaaliyeed oo walaalo ah ay halkaas ku naf waayeen, kuwo badana ay hada dhaawac yihiin”

Madaxweyne Farmaajo ayaa ugu dambayn madaxda labada maamul ugu baaqay inay wada hadlaan oo wax walba nabad ku dhameeyaan wuxuuna yiri “waxaan ka codsanayaa ama usoo jeedinayaa, ama aan ku baaqayaa in ay wada  hadlaan oo wax walba lagu xaliyo wada hadal iyo is-fahan si loo baajiyo dadkaas walaalaha ah oo muslimiinta ah dhiigooda”

Waxaa xusid mudan in uusan madaxweynuhu ka hadlin dulmiga iyo duulaanka qaawan ee uu maamulka Muuse Biixi kusoo qaaday iyo shacabka gobolka Sool oo ah shacab ay Soomaalinimadu ku dheer tahay oo uu Muuse doonayo inuu xoog ula go’o iyagoo doonaya Puntland iyo ka mid ahaanshaha Soomaaliya.

Farmaajo waxay ahayd inuu difaaco Soomaalinimada iyo midnimada dalka ee ma ahayn inuu iska dhigo inuu dhexdhexaad ka yahay shacab  doonaya midnimada Soomaaliya iyo Muuse Biixi oo doonaya inuu kala jaro.

Dhanka kale Madaxweyne Farmaajo ma soo hadal qaadin magacyada labada madaxweyne ee Puntland iyo Somaliland, isagoo iska ilaashay magacyadooda!!!!

Daawo Madaxweyne Farmaajo oo ka hadlaya Xiisada gobolka Sool oo ay Somaliland weerar qaawan kusoo qaaday

Puntlandes.com

About The Author