DAAWO wafdi ka socday madaxtooyada Somaliland oo kullan la qaatay odoyaasha & waxgaradka Laascaano

20 June 2018 (Puntlandes) Wafti uu hogaaminayo La taliyaha arrimaha bulshada Madaxweynaha Somaliland oo maalmihii lasoo dhaafey ku sugnaa magaalada Laascaanood ayaa maanta kulan la qaatey qaar ka mid ah Odoyaasha iyo Waxgaradka magaaladaas, iyagoo kala hadlay arrimo ku saabsan sidii uu maamulka Muuse Biixi u haysan lahaa magaalada Laascaanood iyo guud ahaan Gobolka Sool.

24

Hadalo ay kullanka ka jeediyeen qaar ka mid ah Odoyaashii iyo Waxgaradkii kulanka ka qeybgalay ayaa waxay ku taageereen maamulka Muuse Biixi iyo sii haysashadiisa magaalada waxayna si gaar ah fariin ugu direen qabaa,ilka ku nool mandiqada Puntland.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa ku hanjabay in maamulkiisu ay Mushahaarka ka joojin doonaan odoyaasha taageeray kacdoonka looga soo horjeedo maamulka Jeegaanta.

Maaha waftigii ugu horeeyay ee Muuse Biixi usoo diro magaalada Laascaanood, waxaana horey gacmo maran uga huleelay wafti heer wasiiro ah oo uu hogaaminayo Gudoomiyaha Baarlamanka Somaliland.

Guud ahaan Gobolka Sool gaar ahaan magaalada Laascaanood ayaa waxaa ka socda KACDOON shacab oo looga soo jorjeredo maamulka Muuse Biixi ee xooga ku haysta dhulka Puntland, wuxuuna ku guul daraystay maamulka Muuse Biixi inuu damiyo KACDOONKAAS.

Daawo muuqaalka kullanka Odoyaasha iyo Waxgaradka magaalada

Dhanka kale wafdiga ka socday madaxtooyada Somaliland oo kullan kale la qaatay qaar ka mid ah dhalinyarada magaalada Laascaanood iyagoo ka baryey taageero.

Daawo muuqaalka kullanka dhalinyarad magaalada

Puntlandes.com

About The Author