DAAWO AQOONYAHAN ISMACIIL GAMADIID OO SHACABKA SSC UGA DIGAY KUWA XORAYNTA XAGALDAACINAYA

21 June 2018 (Puntlandes) Aqoonyahan Ismaciil Gamadiid oo ku sugan magaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn ayaa fariin adag u diray shacabka gobolada SSC, isagoo ugu baaqay inay la shaqeeyaan dawladda Puntland oo ku hawlan xoraynta deegaanada SSC.

37

Aqoonyanaka ayaa yiri”waxaa  jira gobolada SSC dad u dhashay oo fikrado kal duwan ku shaqaynaya, oo ay qaar la shaqaynayaa maamulka Soomaalidiidka, qaarna y mar mar sheegtaan figrado kooxo hor ay usoo dhamaatay sidii Khaatumo oo la burburiyey oo uu Cali Khaliif la galaySoomaalidiidka, ujeedadiisuna ay ahayn inuu Somaliland kula darsamo, waxaa jira kooxo kale oo isku magacaabay G11 oo iyaguna ka mid ahaa kooxihii lahaa in aan SSC midayno, markii madbana la baxay Guurti iyagoo marba shaar gashanaya, qolyahaasna waxaan usoo jeedinayaaa in ay maanta arintu taagan tahay in dadku inay midaysan yihiin, inay ku midaysan yihiin in dalkoodii gacanta ku dhigaan, taas ayaa loo midaysan yahay, oo ay Hormuud ka tahay Puntland oo ah waajin saaran”

Ismaciil si toos ah uma sheegin dadka uu la hadlayo laakiin  waxaa dhawaan Buuhoodle gaar ay wafdi uu hogaamnayey Indhosheel oo kasoo kicitimay, waxayna Warbaahinta Puntlandes ogaatay inuu ka wado Buuhoodle shirar lid ku ah hawlgalka xoraynta ee ay wado dawladda Puntland.

Waxay kaloo Warbaahinta Puntlandes ogaatay in shalay shir uu waxgaradka Buuhoodle la yeeshay la isku af dhaafay oo lagu kala kacay loogana digay xagaldaacinta uu ku wado hawlgalka ay dawladoodu wado waxaana si toos ah loogu sheegay inay Puntland yihiin taageersaan yihiina hawlgalka ay wado.

DAAWO AQOONYAHAN ISMACIIL GAMADIID OO SHACABKA SSC UGA DIGAY KUWA XORAYNTA XAGALDAACINAYA

Puntlandes.com

 

About The Author