Daawo Yusuf Garaad oo isagoo ku sugan shirkii DFS iyo SL ku qoray bartiisa Facebook “Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland”

Yusuf Garad oo soo ahaan jiray madaxii idaacada afka Somaliga ku baxda ee BBC oo ka mid ahaa Ergadii uu watay Madaxweynaha DFS ee ka qaybgashay wxii loogu yeerayey shir u dhexeeya Somali iyo Somaliland ayaa isagoo ku sugan madasha shirku ka socday wuxuu bartiisa Facebook soo dhigay weero cadaynaya in Kooxda Villa Somalia ay marakan doonayaan in ay dawlad gooni ah u ictiraafaan Somaliland. Arinta Ictiraafku way ka muuqatay wixii ka soo baxay shirkaas.

Sawirkan ka daawo markuu qorayey

1232

Yusuf garaad ayaa wuxuu qoraalkiisa ku leeyahay sidatan:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud iyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Axmed Maxamuud Silanyo ayaa heshiis ku kala saxiixday magaalada Djibouti.

Madaxweynaha Djibouti, Ismaaciil Cumar Geelle ayaa marti geliyay wadahadlka oo markii ugu dambeysay ee sirasmi ah loo wado hadlo ay ahayd January 2014. Waxay ku heshiiyeen qodobbo ay ka mid yihiin in la sii wado wadahadallada labada dhinac lana dardar geliyo iyo in aan la siyaasadeyn kaalmada aadminnimada iyo dib u dhiska.

Waxaa wax laga xumaado ah in Koox isku uruursatay dana Qabiil iyo mid Kooxeed ay doonayaan in ay Afduubaan Somalia iyagoo marakan u soo jeestay in ay kala gooyaan. Waxa ugu wayn oo Goobtii shalay ee dalka Jabuuti lagu Gorfeeyey waa Burburinta Puntland.  Kooxda Villa Somalia waxay Qorshaysteen in ay Gobolka Mudug BOOOBAAN iminkana waxay si xeeladaysan ku siiyeen Somaliland Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn.

1226

 

Puntlandes.com

 

About The Author