Gudoomiyaha Gobolka Sool “Puntland waxay qabsatay labo Saldhig oo laascaanood ku yaal”

24 June 2018 (Puntlandes) Gudoomiyaha Gobolka Sool Abuukar Cabdi Geele  oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in Magaalagada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool ay ka sameyeen qayb ka mid ah ciidanka Puntland howlgalo, tasoo sababtay in ciidanku xabsiga kasii daayeen Maxaabiis kala duwan oo ay hore xabsiga u dhegeen ciidanka Somaliland.

37a7

Gudoomiyuhu waxaa uu sheegay in ciidankan qabsadeen labo xabsi oo ay ku xirnaayeen dadweyne aad u fara badan oo markii hore loo xiray kasoo horjeedida Maamulka Somaliland, waxaana xabsiyada ka baxsaday dhamaan dadkii ku jiray saldhigyadda Magaaladda Laascanood.

Gudoomiyaha Gobolka Sool ayaa yiri ” Xalay waxaan gudaha magalada ka samaynay dhaqdhaaqyo ,waxaan qabsanay labo saldhig oo ay Somaliland ku xirtay dad maato ah oo diiday joogitaankooda,ma jirto wax khasaare ah oo soo gaaray ciidankayaga howsha qabtay”

Puntlandes.com

 

About The Author