Dawlad Goboleedyada oo go’aan kasoo saaray qorshahii deeqbixiyayaashu sida tooska ah ula macaamili jireen Somaliland

24 June 2018 (Puntlandes)Madaxda Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa ka hor yimid in macaamilka gaarka ah lagu siiyo maamulka Somaliland deeqaha ee loogu talogalay Soomaaliya, iyagoo si buuxda u taageeray go’aanka dowladda Federaalka Soomaaliya oo dhowaan diiday in la cusbooneysiiyo habkii “Special arrangments” ee deeqadaha lagu siin jiray Somaliland.

7

Qoraal ay soo saareen Golaha Iskaashiga Dowlad Goboleedyada oo ay ku saxiixan yihiin shanta madaxweyne ee maamullada Puntland, Hirshabelle, Jubbaland, K/Galbeed iyo Galmudug ayaa loo diray beesha caalamka iyadoo lagu caddeeyay in nidaamka gaarka ah ee Somaliland loogu qoondeeyo deeqaha Soomaaliya ka dhaxeeya uu yahay mid halis ku ah qaranimada Somalia, isla markaana looga eexanayo maamullada kale ee dalka ka jira.

Qoraalka ayaa lagu cambaareeyay deeq bixiyayaasha qaarkood oo u ololeynayo inuu sii jiro nidaamka gaarka ahaa ee Somaliland u sed burinaya, waxaana looga digay in ka fiirsan doonaan ka sii mid ahaanshaha nidaamka deeq bixiyeyaasha.

Hoos ka akhriso go’aanka maamul Goboleedyada kasoo baxay oo af-Ingiriis ku qoran

38b6

Puntlandes.com

 

About The Author