Cadayn: Puntland oo loo tashtay iyo madaxweyne Gaas oo hurda!

Shirkii ay maalintii shalay ku heshiiyeen DFS iyo somaliland ayaa ahaa Guul wayn oo u soo hoyatay Somaliland. Maxaa yeelay waxay heshay wixii ay dalbanaysay oo marka koowaad ahaa in aan qolyaha ka socda DFS ee sheeganaya dawlada Federaalka Somalia aan lagu soo darin shaqsi ka soo jeeda degaanada Puntland ama ay oodwadaag yihiin. Waxaana dhanka DFS ka koobnayn Shaqsiyaad Hawiye ah iyo in yar oo Dir ah iyadoo la fuliyey sidii Somaliland doonaysay. Hadaba yaa u matalayey Puntland shirkaas oo danaheeda ilaalinayey? Ma C/kariim? Ma Yuusuf Garaad kii lahaa Jamhuuriyadda Somaliland? Ma xasan..?

Ee sawirkan dhanka DFS

1229

Hadaba Somaliland maxay dhankeeda samaysay? Waxay shirka ku soo dhexdarsatay laba Shaqsi oo ka soo jeeda Harti Daarood kuwaas oo ka kala socday Dhubahante iyo Warsangeli. Ujeedkooduna wuxuu ahaa in ay banaystaan lahaanshaha ama sheegashada dhulka Puntland.

Eeg sawirkan dhan ka Somaliland

1231

Inkiraadi waxba ma tarayso shirkaasi wuxuu Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn u xalaaleeyey Somaliland. Wuxuuna shirkaasi muujinayaa in aysan Puntland Shuqul ku lahayn Goboladaas.

Madaxweynihii reer Puntland u igmadeen, Dastuuri waajib ahna ay ku ahayd ilaalinta dadka iyo dhulka Puntland wuu soo dhaweeyey wixii shalay ka dhacay Jabuuti wuxuuna ku tilmaamay Soomaali isku imanaysa!!!!

Dad badan oo waxgarad iyo aqoonyahan ah ayaa aaminsanaa in uu Gaas Burburinayo Puntland gadaashiisna aysan jiridioonin  tii baana hada si xawli ah ku socota. Waxaase wax lala yaabo ah in reer Puntland Gacmaha u laaban yihiin oo ay daawanayaan sida Gaas u Burburinayo Dalkodii iyo dawladoodii ay ku soo tiir iyo tacab beeleen.

Puntlandes.com

 

About The Author