Daawo Video: Madaxweyne Gaas oo ka hadlay Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garowe oo dib u habayn lagu sameeyey & tii Galkacyo oo lasoo gabogabeeyey

24 June  2018 (Puntlandes) Madaxweynaha dawlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa khudbadii uu shalay ka jeediyey furitaanka Kalfadhii 41aad ee Barlamaanka Puntland ku sheegay in dib u casriyey lagu sameeyey Madaxtooyadda Puntland ee Garowe halka lasoo gabo gabeeyey dhismihii Madaxtooyadda Gaalkacyo.

38b5

Madaxweyne Gaas ayaa yiri “waxa dib u habayn balaaran lagu sameeyey Madaxtooyadda dawladda Puntland ee Garowe, gaar ahaan laamiyeynta wadooyinka Madaxtooyadda, qalabaynta iyo casriyeynta Xafiisyadda, waxaana meel gabo gabo ah maraya Hoolka shir waynaha Puntland oo qaadaya 1000 qof iyo sidoo kale hool cusub oo ay yeelan doonaan Golaha Xukuumadda dawladda Puntland”

Sidoo kale waxa isna la dhisay Laamiga isku xira xuruha dawladda oo loo dhisay si qiurux iyo tayo ku dheehan tahay.oo casri ah.

Dhanka kale waxaa la dhameeyey dhismihii Madaxtooyadda Puntland ee magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ee Gaalkacyo, iyadoo dhawaan xariga laga jari doono sida uu sheegay Dr Gaas halkan ka daawo sawirrada.

Daawo Muuqaalka

Puntlandes.com

About The Author