Akhriso Wasiirka Maaliyada Puntland oo shaqo joojin ku sameeyay Xisaabiyihii Gobolka Mudug 17 bishii june

24 June  2018 (Puntlandes) Qoraal ama dikreeto kasoo baxday xafiiska Wasiirka Wasaarada Maaliyada Puntland ayaa 17kii June waxaa shaqada looga joojiyay xisaabiyihii Gobolka Mudug Barkhadle Aadan Muuse.

38b9

Xog ay heshay Warbaahinta Puntlandes ayaa sheegaysa in xisaabiyaha uu wasiirka uga joojiyay shaqada sababo la xiriira musuqmaasuq iyo lacago uu  lunsaday.

Waxay kaloo heshay Warbaahinta Puntlandes in lagu dabo jiro Xisaabiyihii hore loona jaray warantigii lagu soo xiri lahaa, horay ayaa waxaa kiiskan gacantan ku hayey gudi ka socda Wasaarada Maaliyada iyo Hanti dhawrka guud ee Puntland.

Xisaabiyaha Gobolka Mudug Barkhadle ayaa markii uu ogaaday in baaritaan xoog leh lagu hayo maanta shaaciyey inuu xilka iska casilay, isagoo ku xirtay Mucaaradka dawladda Puntland wuxuuna eedeymo usoo jeediyey Wasiirka Maaliyadda dawladda Puntland C/laahi Siciid Caarshe.

Barkhadle ayaa hadaladii uu maanta Gaalkacyo ka sheegay waxay ahaayeen kuwa aan shaqadiisa ahayn waxayna Warbaahinta Puntlandes ogaatay inay usoo dhiibteen mucaaradka la baxay Puntland Focus Grupp oo ka shaqaynaya xagal daacinta xoraynta gobolka Sool.

Daawo muuqaalkii shirkii jaraaid ee uu maanta Barkhadle jeediyey

Akhriso warqada uu wasiirku shaqada uga joojiyey
38b8
Puntlandes.com

 

 

About The Author