Akhriso Qodobada ajandaha u ah fadhiga 41aad ee Golaha wakiiladda Dowladda Puntland

3d

24 June 2018 (Puntlandes) Barlamaanka Puntland oo ku Jira fadhiga 41aad Ayaan hore loo shaacin ajendayaasha cusub ee uu goluhu kaga doodidoono kalfadhigaani inta uu socdo,waxaana manta ay warfidiyeenka lawadageen qodobada ajandaha, xildhbaanada ayaa ansixiyey Qodobada ajandahaan.

1- Furitaanka Kalfadhiga 41-aad
2-Ansixinta Ajandaha rasmiga ah ee Kalfadhiga 41-aad
3- Warbixinta Guddiga Joogtada ah
4-Warbixinta Guddiyada Golaha Wakiilada Puntland
5- Amniga, Difaaca Puntland iyo xog wareysiga Madaxweynaha Puntland
6-Xaalada qulqulka Tahriibayaasha (Dhaqangelinta xeerka Tahriibta)
7- Habka shaqaaleynta shaqaalaha rayidka ah
8-Habraaca loo maro iibinta hantida ma guurtida ah.
9- Mashruuca wadada Garoowe iyo Gaalkacayo
10-Ansixinta Xeerarkii Guddiga joogtada ah si ku meel gaar ah u sii ansixiyey.
11- Xisaab Xirka Miisaaniyadda 2017-ka
12-Anxisinta wixii Xeerar iyo Heshiisyo ah ee xukuumadu soo gudbiso.

Gudooiyaha Golaha Wakiiladda Dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa furitaankii kalfadhiga ku sheegay in fadhigaani si weyn uga duwanyahay kuwii hore,iyadoo ay horyaliin ajandayaal adag,waxaana lagu wadaa in ay ka doodaan ajandahaan Maalmaha soo socda.

Puntlandes.com

About The Author