Daawo muuqaalada maanta ee aanu idiinka soo xulay aaga Tukaraq & Laascaano

26 June 2018 (Puntlandes) Dawladda Puntland oo ku gudo jirta u diyaargarowga dica dalka ayaa maanta Jiidaha dagaalka gobalka Sool ee aaga Tukaraq geysay cutubyo kamid ah Ciidamada Kumaandooska ah ee kaydka  Difaaca, Puntland kuwaas oo kasoo ruqaansaday magaalada Qardho ee cxarunta gobolka Karkaar.

3

Guddiga Difaaca Puntland ayaa soo dhawayn kadib kula dardaarmay ciidankaas inay dalka Puntland ee ay haystaan maamulka Jeegaanta ka xoreeyaan sida ugu dhaqsaha badan.

 

Sidoo kale Guddiga Difaaca Puntland ayaa kala wareegay maamulka Degmada Taleex ee Gobolka Sool Ciidamo kasoo goostay dhawaan maamulka Somaliland iyo xoolo looga qeyb noqonayo difaaca iyo xoreynta dalka.

Daawo muuqaalka

Dhanka kale maanta oo ah 26ka June ahna sanadguuradii 58aad ee kasoo wareegta markii Calanka Soomaaliyeed ee Buugga ah dhexdana ku leh Xidigta shanta gees leh laga taago dhul Soomaaliyeed oo xor ah, kaas oo ah gobolda Waqooyi ee Soomaaliya.

Waxaa ka dhacay xarunta Gobolka Sool ee Laascaanood kullan ay soo abaabuleen dhalinyarada magaalada, iyagoo si wayn ugu xusay 26 June iyo midnimada Soomaaliya waxaamna goobta laga ruxyey Gabdhuhuna ay ku labisnaayeen Calanka Soomaaliyeed.

Daawo Muuqaalka

Sidoo kale waxaa isku soo bax ay ku waynaynayaan 26 June uguna diyaan maamulka Muuse Biixi isla markaasna ay ku taageerayaan haylgalka xoraynta ee ay wado Puntland ku qabtay hawewenaka magaalada Laascaanood.

Daawo muuqaalka Laascaano oo ay ka babanayaan calanka Somalia iyo kan Puntland.

Puntlandes.com

About The Author