Akhriso Wasiiru dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta oo ka horyimid dhismaha Guddigii Isgaarsiinta Qaranka

27 June 2018 (Puntlandes) Wasiir dowlaha Boostada iyo Isgaarsiinta Xukuumadda Soomaaliya C/llaahi Bile Nuur ayaa ka horyimid magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka oo uu dhowaan magacaabay Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan.

Wasiir dowlaha Qoraal ayaa uqoray Wasiirka Boostada iyo isgaarsiinta Cabdi Canshuur Xasan isagoona ku ogeysiiyay Ra’iisul Wasaaraha wuxuuna ku faahfaahiyey cabashada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka iyo Dawlad  goboleedyada ka keeneen xubnaha Guddiga Isgaarsiinta Qaran oo Hal shirkad u badan.

Waxaa uu sheegay in isaga iyo Wasiir kuxigeenka aan lagala tashan magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka, isla markaana dalbaday in kulan degdeg ah la isugu yimaado, si xal kama dambeys looga gaaro muranka jira nuqulada is diidan ee Xeerka Isgaarsiinta Qaranka, maadaama xeerka uu Madaxweynaha saxiixay iyo kan uu Wasiirka tixraacay ay is diidan yihiin.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in xulida iyo magacaabida Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ay door muhiim ku lahaadaan dowlad goboleedyada iyo shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Shirkadaha Isgaarsiinta ee ka howl galla dalka ayaa dhowaan cabasho ka keenay Guddiga Isgaarsiinta Qaranka ee uu sameeyay Wasiirka inay hal shirkad u badan yihiin.

Akhriso qoraalka

39b6

Puntlandes.com

About The Author