Sawirro: Boqor Burhaan Boqor Muuse oo soo dhawayn diiran u sameeyay wafdi ka socday dalka Imaaraatka.

27 June 2018 (Puntlandes) Waftigaa oo uu hogaaminayay Sayid maxamed Khaliifa oo kasoo kicitamay dalka imaaraatka carabta ayaa maanta si heer sare ah loogu soo dhaweyay magaalada Qardho.

Waftigaan ayaa intii ay joogeen Qardho waxay kulan la qaateen Boqor Burhaan Boqor Muuse iyo cuqaasha magaalada Qardho, sidoo kale waxay hadiyado kala duwan gudoonsiiyeen Boqor Burhaan , isaguna waxa uu dhankiisa gudoonsiyay hadiyado kala duwan oo ay ku jiraan sawirka madaxweynaha jamhuuriyada federaalka ah ee soomaaliya, iyo sawirada boqorada kala duwanaa ee soo maray boqortooyada beelaha daarood.

Sayid khaliifa oo warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in ay farxad u tahay in uu qardho soo gaaro ujeedada socdaalkooduna ay tahay sidii ay xooji lahaayeen xiriirka dhaqan ee ka dhaxeeya labada shacab iyo labada dawladood, cuqaashii goobta ka hadashay iyo boqor burhaan boqor muuse waxay si isku mid ah waftiga ugu soo dhaweeyeen gudaha dalka soomaaliya.

Ugu danbayn Boqor Burhaan waxa uu waftiga booqaasho ugu geeyay gooba kala duwan oo ay ka mid yihiin beerta boqorka halkaas oo loogu lisay caano geel oo dhay , sidoo kale waxay ku dalxiiseen dooxooyinka magaalada oo dhawaan roobsaday.
Daawo sawirrada
40a

40a1

40a2

40a3

40a4

40a5

40a6

40a7

40a8

40a9

40a10

40a11

40a12

40a13

40a14
Puntlandes.com

About The Author