Madaxweyne Farmaajo oo dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda Galmudug

28 June 2018 (Puntlandes) Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa dhex dhexaadin ka dhex bilaabay Madaxda ugu sareysa Galmudug oo mar kale uu soo kala dhex galay khilaaf siyaasadeed oo salka ku haya awoodda iyo heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug.

madaxda-Galmudug-

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa maalmo ka hor soo gaaray Muqdisho, kaddib markii dowladda Federaalka ay marti-qaad u dirtay, si khilaafka ka dhex taagan loo xaliyo.

Wararka laga helayo Madaxtooyada ayaa sheegaya in Madaxweyne Farmaajo uu shalay la kulmay labada dhinac ee khilaafka u dhaxeeya, iyadoo kulanka ahaa kuwo albaabada u xirnaa.

Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa la sheegay in Madaxweyne Farmaajo u gudbiyay dacwad ah inuu tuhunsan yahay in khilaafka ka jira Galmudug ay ku lug leedahay Xukuumadda, isla markaana Madaxda sare ee dowladda looga baahan yahay inat faragelinta ka daayaan Galmudug.

Sidoo kale Madaxweyne kuxigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa waxay meesha ka saareen in Xukuumadda Soomaaliya ay faragelin ku heyso Galmudug, laakiin ay sheegeen in ay iyagu ay diidan yihiin isbedel lagu sameeyay qodobada qaar ee Dastuurka iyo in la hareer maray heshiiskii Jabuuti ee Ahlusuna iyo Galmudug.

Dhinaca kale Madaxa Xukuumadda Galmudug Sheekh Maxamed Shaakir ayaa la filayaa inuu soo gaaro Muqdisho, si uu qeyb uga noqdo wada hadalada lagu heshiisiinayo.

Madaxda Galmudug ee khilaafka u dhaxeeyo ayaa todobaadyadii u dambeeyay ku kala sugnaa magaalooyinka Cadaado iyo Dhuusamareeb, waxaana labada dhinac ay hawada isu mariyeen eedeymo kala duwan.

Puntlandes.com

About The Author