SawirrO: Guddoomiyaha Golaah Aqalka sare oo kulan la qaatay dhigiisa Kenya

????????????????????????????????????

28 June 2018 (Puntlandes) Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa dhiggiisa kaga mahad celiyay dowladda Kenya kaalmada iyo garab istaagga walaalahooda Soomaaliya gaar ahaan xiliyadii adkaa ee dalku ku jiray, waxaana labada gudddoomiye isla qaateen muhiimadda ay leedahay in labada Senate (Aqal) ay is waydaarsadaan khibradaha xagga aqoonta.

Kulanka ayaa sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Hab-dhawraha Golaha Aqalka sare ee Soomaaliya Senator Cabdikaafi Macallin Xasan, Xildhibaan (Kenya) Amina Geeddow  Xildhibaan Hore (Kenya) Aden Macalin Cabdullahi, , Eric Ogolo, Madaxda hab-maamuuska Senate-ka Kenya iyo  mas’uuliyiin kale.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa Guddoonka iyo Aqalka Senate-ka Kenya u fidiyay casuumaad ayna booqasho ku yimaadaan Soomaaliya, arrintaas oo uu Aqbalay Guddoomiaha Aqalka Senate-ka Kenya Senator Kennedy Lusaka.

Waxaana lagu talo jiraa in dhowaan wafdi hordhac oo ka socda Aqalka Senate-ka Kenya uu soo gaaro magaalada Muqdisho.

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

????????????????????????????????????

Puntlandes.com

About The Author