Sawirro: Itoobiya oo maanta ku biirtay wadamada Shidaalka soo saara

28 June 2018 (Puntlandes) Dowladda Itoobiya ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 28ka June 2018 waxay ku biirtay wadamada soo saara Shidaalka, iyadoo laga soo saaray Shidaalkaas Dhulka Soomaalida Itoobiya.

Maanta ayaa waxaa dhacday munaasabad si heer sare ah loo soo agaasimay, taasoo xar iga looga jaray wax soosaarka ceelal laga soo saaray Gaas  iyo Shidaalak Ceeriin.

Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya (DDSI) Cabdi Maxamuud Cumar iyo wasiirka macdanta ee dowladda fedaraalka Itoobiya ayaa maanta xariga ka jaray Ceelasha Shidaalka Ee Elele, iyadoo isla maanta la bilaabay dhoofinta 450 Fuusto maalintii oo Saliida ceeriin ah oo si tijaabo ah lagu soo saarayo wixii maanta ka dambeeya,.

Shidaalka gobtaasi ceegaaga ee ay heshay shirkad laga leeyahay dalka Shiinaha ee lagu magacaabo Poly-GCL ayaa waxaa lagu qiyaasay 6 ilaa 8 Trillion Cubic Feet.

Rai’sul Wasaare Dr Abiy ayaa yiri “Waxaa muhiimka ah ayaa waxa uu yahay qaabka uu wadanka u isticmaalayo kheyraadka, Waa qasab in aan isku raacno in si xaq iyo sinaan ah loo qaybsado kheyraadka,”

Raisul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa intaa ku daray in kheyraadka la helay uusan noqon mid horseeda khilaaf iyo dagaal sida ka dhacday dalalka qaar. “Mararka qaar kheyraadka ayaa horseeda dagaal sida ka dhacday dalalka kale,” ayu yiri  Rai’sul Wasaaruhu.

Waxaa sidoo kale shaaca laga qaaday in dhismaha dhuumihii qaadi lahaa shidaalka oo ku xiraya ilaa Jabuuti uu bilaabanayo bisha September,  Dhoofinta shidaalka ayaa lagu wadaa in ay bilaabato sanadda 2021.

Shidaalkani ayaa waxaa lagu wadaa in uu sanooyiinka ugu horeeya ka soo galo dalka Itoobiya dhaqaala dhan 1.2 bilyan oo doolar, Balse dhaqaalaha ka so baxa ayaa si tartiibtartiib ah u kordhi doona waxaana lagu wadaa in uu gaaro 8 bilyan oo doolar sanadkii.

Dhanka kale waxa uu abuurayaa shaqooyin aad u badan oo qaarna ay toos yihiin qaar na ay kuwo dadban yihiin, isagoo uu dhaqaalaha wadaku uu aad sare ugu kaci doono.

Soomaalida Itoobiya ayaa si gooni ah waxaa ugu jira faaiidoon badan maadaama y dhulkooda tahay halka laga helay ama laga soo saarayo shidaalka.

Daawo sawirada munaasabadda xariga ka jarida
1

2

3

4

5

5a

5b

6

7

8

9

10

11

12

13

Puntlandes.com

About The Author