Akhriso Shirkii Golaha Xukuumadda Puntland oo looga hadlay arimaha kala ah Amniga dalka, mideyna hay’addaha PIA & PSS, xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Iyo warbixino kale

Shirkii Golaha Xukuumadda Dowladda Puntland oo uu Shir-Guddoominayey Madaxweynaha Dowladda Puntland DR: Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, ayaa waxaa looga hadlay arimaha kala ah Amniga dalka, mideyna hay’addaha PIA & PSS, xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda Iyo warbixino kale.

1.Abdalla Guure

Xaaladda Amniga Dalka:

Golaha Xukuumada Dowladda Puntland oo warbixin ka dhageystay Wasaaradda Amniga ayaa amaanay ciidamada qalabka sida, oo goor walba u taagan sugida, dabagalka iyo fashilinta isku dayga qaswadayaashu maleegayaan, waxayna golaha oo si xeel dheer uga faalooday Amniga dalka ay sheegeen in la-iska kaashado garabna lasiiyo ciidamada geesiyada ah oo u taagan xoreynta dalka iyo xaslinta nabad galiyada guud.

Mideynta Hay’addaha PIA&PSS: 

Golaha xukuumada Dowladda Puntland oo tixraacaya dastuurka dalka iyo baahida loo qabo hay’add Amni oo si buuxda u shaqeysa ayaa dood dheer ka yeeshay magaca iyo mideynta hay’addaha Amaanka dalka, waxayna golahu cod buuxa ku meel mariyeen mideynta hay’addaha PIA & PSS,isla markaan loo bixiyey Magac cusub oo ah hay’adda nabad-sugida iyo Amniga Puntland (Puntland intelligence and security agency (PISA).

Xeerka Tayo-dhowrka Kheyraadka Badda.

Golaha xukuumada Dowladda Puntland ayaa warbixin kooban ka dhageystay Wasaaradda Kaluumeysiga iyo Kheyraadka Badda oo u qeybisay golaha xeerka tayo-dhowrka kheyraadka Badda, xeerkaan oo qeexaya baarista, tayada, hubinta iyo cadeynta guud ahaan kaluunka ayaa lagu meel marin doonaa kulanka xiga ee golaha xukuumadda.

Warbixino:

Golaha Xukuumadda Dawladda Puntland ayaa warbixin ka dhageystay Guddiga dabagalka iyo ilaalinta Gaadiidka Dowladda oo meel fiican marinaya tixraaca iyo waafajinta sharciga ee gaadiidka Dowladda (GD).

                                                            -DHAMMAAD-

About The Author