Yaa ka dambeeyay in lasii daayo C/kariin Qalbi Dhagax?

29 June 2018 (Puntlandes) Dowlada Ethiopia ayaa maalintii shalay ahayd dib xorriyaddiisa u siisay Cabdikariin Sheekh Muuse (Qalbidhagax) oo ka mid ahaa saraakiisha ONLF, muddo ku dhow sannad nu u  xirbaa dawladda Itoobiya, iyadoo ay dawladda Soomaaliya ku wareejisay ama u gacangelisay.

Baraha bulshada ayaa shalay lagu baahiyey sawiro muujinayay Cabdikariin Qalbi dhagax oo ku labisan dareyska suit-ka loo yaqaan isagoo dhoola cadeynayey.

Qalbi dhagax kama aysan muuqaan soo deyntiisa haba yaraatee aysan ka muuqan daal iyo diif toona.

Wareysi uu siiyay BBC ayuu Qalbidhagax uga hadlay sii deyntiisa waxa uuna sheegay in uu bad-qabo oo caafimaadkiisu uu aad u wanaagsan yahay.

Intii wareysiga uu socday Qalbi dhagax ayaa la weydiiyay su’aal ahayd cida rasmiga ah ee ka dambeysay sii deyntiisa?, waxa uuna ku jawaabay in dowlada Ethiopia,odayaal dhaqameed iyo xubno ka tirsan hay’adda xuquuqda aadanaha ay ka dambeeyeen in la sii daayo oo uu dib u helo xoriyadiisa,taasoo meesha ka saartay warar la xiriiray dowlada Soomaaliya ay door ku lahayd sii deyntiisa.

Wuxuu intaa ku daray qalbi dhagax in muddadii uu xirnaa uu haystay Internet,raadiye iyo agab kale oo uu kala socdo waxyaabaha caalamka iyo gobolka ka dhacaya.

Bishii August ee sanadkii 2017-ka ayay aheyd markii dowladda Soomaaliya ay Ethiopia u gacan gelisay Qalbi Dhagax ,waxaana arrintaas ay sababtay carro xoog leh iyo eedeymo loo jeediyo dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Qalbi dhagax siidayntiisa kuma uusan sheegin inay madaxda dawladda Soomaaliya qayb ka ahaayeen, waxaana xaqiijinaysa inay DFS waxba ka ogayn sii daynta Qalbi Dhagax oo  ay horay ugu gacan geliyeen dawladda Itoobiya Gudoomiyaha Golaha Shacabka ayaa bartiisa uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay inuu maqay laakiin uusan xaqiijin karin in lasii daayey, hoos ka akhriso.

40b5

40b5a

40b5a1
Puntlandes.com

About The Author