Saworro: Muwaadiniin Soomaali laga soo tarxiilay Mareykanka oo laga soo dejiyay Garoonka Muqdisho

29 June 2018 (Puntlandes) Waxaa gelinkii dambe ee maanta garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kasoo dagay diyaarad siday dhalinyaro Soomaaliyeed oo dib looga soo celshay dalka Mareykanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan dawladda Soomaaliya ayaa xaqiijiyey in dad ka badan 83 qof oo laga soo masaafuriyey dalka Maraykanka ay kusoo dhaweeyen garoonka diyaaradaha eee Aadan Cadde.

Waxa ay mas’uuliyiintani sheegen in dowlada Somalia ay si rasmi ah ula wareegtay xaalada dhalinyarada laga soo musaafuriyay Mareykanka maadaama qaarkood aysan deegaan ku aheyn magaalada Muqdisho inta ay dib ula midoobayan reerkooda.

Dhalinyaradan laga soo celiyay dalka Mareykanka oo garoonka ay ku soo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda federaalka ayaa waxaa Dumar ka ahaa 4, halka 79-ka kalena ay yihiin Rag.

Waa markii afraad ee tan iyo intii uu xilka qabtay madaxweynaha Maraykanka dad loo tarxiilo Soomaaliya.

Bishii December ee aynu soo dhaafnay ayey ahayd markii dawladda Maraykanku ay ku guuldarraysatay inay Somalia ay ku celiso in ka badan 90 qof oo Soomaali ahaa kuwaasi oo laga soo celiyey dalka Senegal.

40c

c1

c2
Puntlandes.com

About The Author