Dowladda Puntland oo amartay in lasoo qabto Xisaabiyihii hore ee Gobolka Mudug

30 June 2018 (Puntlandes)Dowladda Puntland ayaa amartay in lasoo qabto Xisaabiyihii hore ee Gobolka Mudug Barkhadle Aadan Muuse oo la sheegay in uu Puntland ka baxsaday.

40b8

Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland Maxamuud Xasan Aw- Cismaan oo shir jaraid ku qabtay xafiiskiisa Garoowe ayaa sheegay in xisaabiyihii hore uu ka baxay deganadda Puntland,waxaana uu amray in lasoo qabto loona soo gacan galiyo dowladda Puntland.

Xeer ilaaliyuhu waxaa uu shaaca ka qaaday in xisaabiye Barkhadle uu  dhacay hanti fara badan  oo ay midtahay mushaarka Shaqaalaha iyo Ciidamada ka howlgala Gobolka Mudug.

Mar lawaydiiyey in xisaabiyuhu uu shir uu qabtay hore ugu sheegay in ay jirto xisaab xumo iyo musuq wasaaradda ka dhacay,ayuu yiri xeer ilaaliyuhu “kiiskiisa baaris ayaa dowladu galisay ,sida wax u dhaceena kama hor dhacayo,hanti-dhowka ayaa arrimaha hantida ku shaqo leh ,howshuna waa socotay,ee isagiibaa baxsaday,marka waa sugaynaa”Xeer ilaaliyaha Guud ee Puntland.

Xeer ilaaliyuhu waxaa uu tixraacayey warqadaha ay soo kala sareen wasaaradda Maaliyadda Puntland oo soo saartay warqad ay xilka kaga qadayso xisaabiye Barkhadle Aadan Muuse iyo Maxkamadda darajadda kowaad ee Gobolka Mudug ee kusabsanayd soo qabashadda (Warant) xisaabiyihii hore ee wasaaradda Maaliyadda Gobolka Mudug.

Akhriso qoraalka

40b8a

Puntlandes.com

About The Author