Damaca dhuldurugsiga ee Jeegaantu ma Riyo maalmeed baa, mise waa Dhimir?

30 June 2018 (Puntlandes) Maamulka Jeegaantu waxay meel walba lasoo taagan tahay waxaan soo xiraynaa xadkii Isticmaarka Ingiriisku noo calaamadiyey (AA LA TAHAY!!!!), isla mar ahaantaas waxaynu ognahay wiilasha maanta ku doodaya Riyo maalmeedkaas aabayaashood iyo awoowayaashood inay ka mid ahaayeen la dagaalankii Isticmaarka.

21

Isla waqtigaas waxaa jiray horgalayaan tiro badan oo Isticmaarku adeegsanayey sida kuwa maanta oo kale, kuwaas oo ku sifoobaya gabaygii abwaan Qaasim ”Alla Doori Soomaali baad Dugulka Moodaaye”.

U adeegayaashaas Isticmaarku jab iyo halaag ayey kala kulmeen Ciidamadii Gobonimo u dirika ee Daraawiishta. Cadayn iyo Markhaati jabkii iyo halaagii u adeegayaashii Isticmaarka waxaa ka markhaati kacday aadna ka dheehan kartaan Joornaal lagu magacaabi jiray Spokane Daily Chronicle oo kasoo baxay London taariikhdu markay galabnimadii 27kii June 1903dii.

Taariikhdu ma duugowdo, 115 sano ka hor ayaa meel u dhaxaysa Burco iyo Buuhoodle waxaa dagaal qaraar ku dhexmaray Gobonimo doonkii daraawiishta oo uu Hogaaminayery AUN Sayid Maxamed Cabdule Xasan iyo Ciidamadii Ingiriiska oo adeegsanaya Alle uma naxariistayaashii uu ku adeeganayey gumaystuhu.

Dagaalkaas waxay Daraawiishiyi ku gubtay 5 saldhig Ciidan, waxaana ku naf waayey oo ay ku dishay 32 Sarkaal oo Cadaan ah, isla mar ahaantaasna waxay Daraawiishiyi gacanta ku dhigtay 2000 oo ah Horgalayaashii u adeegayey Isticmaarka.

Hoos ka akhriso Joornaalka oo ku qoran afka Ingiriiska.

40c1

Sida aynu ogsoon nahay Ciidamada maamulka Hargaysa waxay kusoo duuleen qabsadeena qaybo ka mid ah gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, iyagoo ku adacoonaya inay ka dhaxleen Isticmaarkii  dalka laga xoreeyey.

Maamulka arintaas ku andacoonaya waa dad Soomaaliyeen oo ku soo barbaaray, waxna kusoo bartay canshuurtii yarayd ee laga qaadi jiray aabayaasha iyo hooyooyinka Soomaaliyeed, iyagoo iska indhitiraya xaqiiqda iyo taariikhda soo jireenka ah.

Marar badan fadhi ku diriryada waxaa laga maqlaa rag ku doodaya Dhubahante ama ha nasoo raaco oo ha nala go’o ama ha ka guuro SSC.

Erayadaasi waa yaabe ma Riyo maalmeed baa mise waa ku taamid Maskax aan fayoobayn????

Dhalinyarada Soomaaliyeed ee hubaysan ee dagaal na iasaga soo horjeeday gobolka Sool cidna dan uma aha  sidii horay loo yirina ”dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho”.

Ummadda goboladaas degeni waa ummad xor ah xaqna u leh inay ka tashato masiirkeeda, waxaa haboon in Ciidamada laga dulqaado kadibna afti laga qaado ummaddaas sharafta leh ee ku nool goboladaas si ay go’aansadaan aayadooda au ku dooranayaan inay raacaan meeshii yagu ay rabaan.

Puntlandes.com

About The Author