Dhagayso: Puntland oo walaac ka muujisay heshiiskii DFS iyo S-land ku dhexmaray Jabuuti

Garowe (Pes) Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali Cali Gaas oo la hadlay VOA ayaa qaadacay laba qodob oo aad muhiim u ahku jiray heshiiskii Jabuuti ku dhexmaray Madaxwaynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo.

Qodobada koowaad oo uu madaxweyne Gaas saluugsan yahay ayaa ah in hawadda Soomaaliya laga mamulo Somaliland, taasoo qayb ka ahayd heshiiskii lixda qodob ee Jabuuti kasoo baxay,

Madaxwaynaha Puntland ayaa sheegay inay arrintan kala hadli doonaan madaxda ugu saraysa DFS, balse aysan ogolaan doonin in hawadda Soomaaliya laga maamulo Somalilnad.

Qodobada labaad oo uu madaxweyne Gaas saluugsan yahay kan Masiirka ummadda ka hadlaya. Gaas ayaa ku nuuxnuuxsaday inay muhiim tahay in waxa Masiirka dadka looga hadlayo la balaariyo oo la wayneeyo si wanaag uu ku dhmaado. Waxaa kale oo uu sheegay in Qodobkaasi uu ku saabsan yahay Masiirka Puntland waana Dastuuri in ay Puntland qayb ka ahaato. ”Ma noqonayso wax ku koobnaandoonta oo kaliya mudane Xasan iyo Siilaanyo” ayuu yiri madaxweyne Gaas isagoo carabaabay Gobolada Puntland ee Sool, Sanaag iyo Cayn

Puntland ahaan wixii Masiirkayaga taabanaya Puntland xaq ayey u leehaday in ay ka qaybgasho. Madaxweyne Gaas oo hadalka sii wada ayaa yiri ”maxaa keenay in Somaliland laga hadlo wax taabanaya Masiirka Puntland.

Puntland oo qayb ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa marar badan ku celisay inaysan raali ka noqon doonin wada hadalka Somaliland iyo DFS haddii aan la balaarin oo xubno matalaya Puntland laga qayb galin.

Puntland iyo DFS ayaa 14 okt 2014 heshiiyay ku gaaray magaladda Garowe iyadoo uu xilka ku waayey RW cabdiwali Sheekh, ilaa iyo hadana heshiiskaasi lama fulin heshiiskaas. Waxaa kaloo dawlada Puntland ay horey Heshiisyo badan ula gashay DFS waxaana xusid mudan in aan midkoodna fulin

Dhagayso madaxweyne Gaas


Puntlandes.com

About The Author