War Deg-deg ah;Wasiirka Awqaafta iyo Arrimaha Diinta oo xilka laga qaaday

09 July 2018 (Puntlandes) Wareegto ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa xilkii looga xayuubiyey wasiirkii Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Xasan Macallin Xuseen.

33a3

Wareegtada xilka looga qaaday wasiirka ayaa lagu sheegay in uu  xilkaas  si ku meel gaar ah u sii hayn doono wasiiru dowlaha Wasaarada Awqaafta iyo Arrimaha Diinta Cabdixakin Xasan Ibraahim Ashkir.

Xil ka qaadistaan ayaa kusoo aadeyso xilli ay jirto muran xoogan oo ku aadan xujeeda sanadkaan xajineyso kaasoo u dhaxeeyey wasaaradda iyo shirkadaha duulimaadka oo mashruucaas heystay.

Wasiirka xilka laga qaaday ayaa ka mid ahaa wasiiradii ugu dambeeyay ee la magacaabay lamana ogo sababta rasmiga ah ee keentay xil ka qaadistiisa.

Waa Wasiirkii Labaad ee xilka laga qaaday ee Wasaaraddaasi soo mara tan iyo intii uu xilka qabtay Ra’iisul wasaare Kheyre.

Puntlandes.com

About The Author