Sawirro: Shirka arrimaha Soomaaliya oo ka furmay Brussels ee dalka Belgiumka

16 July 2018 (Puntlandes) Magaalada Brussels ee Xarunta dalka Belgium-ka, waxaa ka furmay shirka Soomaali Partnership Forum oo looga hadlayo arrimaha Soomaaliya, kaasi oo soconaya 16-ka ilaa 17-ka bishan July.

Shirkan oo daba socda Shirkii lagu qabtay magaalada London bishii May 2017-kii ayaa waxaa lagu Casuumay oo ka qeyb galaya Madaxda Dowladda Dhexe, Maamul Goboleedyada, Wasiiro iyo Ururada Bulshada Rayidka.

Sidoo kale shirkan waxaa ka qeyb galaya Bankiga Aduunka, Midka Afrika, Hay’ada lacagta Aduunka ee IMF, Midowga Afrika, Qaramada Midoobey, Jamaacada Carabta iyo Qaar kamid ah Dowladdaha daneeya arrimaha Soomaaliya.

Waxaa shirkan si gaar ah diirada loogu saari doonaa Qorshaha amniga Qaranka, Bixitaanka AMISOM, Dib udhiska Ciidamada, Hormarka Dhaqaalaha, Deyn Cafiska, Dib usoo nooleynta Dakhliga iyo arrimo kale.

43

44

45

45a

46

47

48

49
Puntlandes.com

About The Author