Raysul Wasaare Sharmarke oo cod aqlabiyad ah ku helay kalsoonida Baarlamaanka

Wararka ka imaanaya Xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Goordhaw Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ay codka Kalsoonida siiyeen Raysul Wasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali.

Waxaa fadhiga joog ahaa Xildhibaano gaaraya 218- Xildhibaan waxaana codka Kalsoonida siiyay Raysul Wasaare Sharmarke dhamaan Xildhibaanada Baarlamaanka ee kulanka soo xaadiray ma jirin cid diiday iyo waliba cid ka aamustay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari ayaa sheegay in Kulanka Baarlamaanka ay soo xaadireen Xildhibaano gaaraya 224-Xildhibaan balse la waayay markii dambe 6-Xildhibaan , waxa uuna xusay in R/Wasaaraha uu helay Codka Kalsoonida Baarlamaanka maadama ay u codeeyeen 218-Xildhibaan oo kulanka goob joog ka ahaa.

Raysul Wasaare Sharmarke ayaa hadlay markii Xildhibaanadu ay siiyeen kalsoonidooda wuxuuna balanqaaday in uu ka shaqayn doono sidii Somalia loo gaarsiin lahaa Doorasho 2016.

Waxaa uu Raysul Wasaare Sharmarke noqonayaa Raysul Wasaarihii koowaad mar labaad ka noqda Somalia Raysul Wasaare.

Puntlandes.com

About The Author