Galmudug oo soo weerartay Puntland

Maleeshiyaad uu soo diray maamulka Galmudug ayaa xalay iyo subaxnimadii Saaka,Arbacada, weerar ku qaaday degmada Saaxo gobalka Mudug ee Puntland.

Degmada Saaxo oo ay xukuumada Puntland horey u aqoonsatay Degmo ka tirsan Gobolka Mudug ayaa waxaa Todobaadkii hore ansixiyey Baarlamaanka Puntland. Waxaana halkaasi ka socday mashaariic horumarinta biyaha.

Maleeshiyaad ka socda Galmudug oo ka kala yimid Koonfurta Gaalkacyo iyo Gelinsoor ayaa la sheegay inay weerar ku qaadeen goob laga waday dhismo Ceel biyo oo loo sameenayey Degmada Saaxo.

Dagaalkii xalay iyo Saaka ayaa ahaa mid ay ka qeyb qaateen gaadiidka dagaalka oo ay wataan ciidamo ka amar qaata hogaamiyaha Galmudug Col.Cabdi Qeybdiid.

Khasaaraha dagaalka ka dhashay ayaa la sheegayaa inay ka badan yihiin 20 ruux oo u badan dad rayid ah oo ka mid ahaa shacabkii Saaxo oo ay rasaasta waaweyn baabi’isay.

Degmada Saaxo ayaa horey waxaa dagaalo ugu dhexmaray maleeshiyaad kasoo jeeda koonfurta Mudug iyo dadka deegaanka ku dhaqan oo u badan beesha Mareexaan Sade Daarood.

Xukuumada Puntland ee uu Hogaamiyo madaxweyne Cabdiwali ayaa weli wax war ah kasoo saarin dagaalka ka socda Saaxo oo noqonaya dagaalkii ugu xooga badnaa oo ka dhaca degmada ugu da’ada yar degmooyinka Puntland.

Wixii war ah oo arrintan kusoo kordha kala soco Puntlandes.com

 

About The Author